Mareykanka oo soo saaray digniin amni oo ku saabssan Soomaaliya
WASHINGTON (QJ) – Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa soo saartay la-talin dhanka socdaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Al-Shabaab ay weeraro ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.
“Safaarada Mareykanka ee Muqdisho waxa ay la socotaa xogta lagu kalsoonaan karo ee la xiriirta weeraro laga yaabo in ay ka dhacaan meelo badan oo Soomaaliya ah oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.Dhammaan dhaq dhaqaaqa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waa la hakiyay ilaa amar dambe” ayaa lagu yiri wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.
Safaaradda ayaa ku boorisay muwaadiniinta Mareykanka inay ka digtoonaadaan khatarta argagixisada, iyadoo ka digtay suurtagalnimada “afduub, qaraxyo, iyo weeraro kale oo ka dhaca Soomaaliya.”
Al-Shabaab oo dib uga soo cusboonaaday deegaannadii horay looga saaray labo sano ka hor ayaa khatar weyn ku ah caasimadda Soomaaliya. Todobaadkii hore ayay aheyd markii Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegeen gacan ku heynta magaalooyinka Balcad iyo Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Mas’uul sare oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa dib u dhacan ku macneeyay fashil dhanka hoggaanka ah, taasoo keentay in dib loo rogo guulihii ay gaareen ciidamada Macawisley oo labo sano ka hor Al-Shabaab ka saaray deegaanada Hirshabeelle.