|

Mareykanka oo si weyn looga taageeray mashuurica wadada Cad (DAAWO)

Columbus Mar 21,2016(SDN/QJ)-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lacag loogu ururrinayay ayaa ka dhacday magaalada Columbus ee gobolka Ohio.
Bar bilowgii xafladaa waxaa aayadaha quraanka kariimka ku furay sheekh mustafe jaamac xasan , intaa ka dibna waxaa hadalka qaatay Fuad ibraahim muhumed oo xidhiidhinayay xafalada  aragtina ka bixinyay ujeedada loo agaasimay madashaa isagoo ku soo dhaweeyay   cali yuusuf qaalib oo si kooban uga waramay  war bixin ku saabsan labadii waji ee hore ee wadada cadi soo martay iyo sida ay dadka deegaan kaa ka soo jeeda ee reer America Uga qayb qaateen, intaa ka dib waxaa taariikh nololeedka Mudane Ali Ibraahim muhumed madasha si waafiya ooga jeediyay Aqoonyahan Cumar Axmed Galool , isagoo kuna soo dhaweeyay makarafoonka Gudoomiyaa mashruuca wadada cad  mudane Ali ibraahim muhumed oo isaguna si wayn oo waafiya uga waramay wadada cad iyo waxtarkeeda iyo wajiyadii ay soo martay wixii ku baxay iyo meelaha ay ka heleen, isagoo ku tiiqtiiqsaday inay dadku haday awoodooda iyo aragtidooda mideeyaan inay wax qabsankaraan oo ay iskood horumar u gaadhi karaan , aragti dheer oo aqoonaysan ka dib wuxuu dadka kula dardaarmay inaanay cid kale wax ka sugin ee ay iyagu isu tashadaan oo ay wax qabsadaan . intaa kadib waxaa madasha Gabay la yidhaa wadada taageera oo hiil u ah dhamaan wadooyinka dadku iskood isugu abaabuleen madasha ka tiriyay Hal abuur Fuaad ibraahim muhumed (waaberi). Intaa ka dib, waxaa wacdi diiniya madasha ka jeediyay sheekh xuseen guuleed iyo sheekh yaasiin abiib. Waxaana ugu danbayn halkaas lagaga yaboohay lacag dhan $40,000 iyagoo haweenka deegaankaa ka soo jeedaa ay madashaa keeneen lacag kaasha oo hordhac ah  dhana $5000 waxaa kale oo jira community ga qaar oo si gaara u balan qaaday inay iyagu iskood isugu noqonayaan oo ay wax wanaagsan kaga qayb qaadan doonaan mashruucaa waxaanay xafladaasi ku soo dhamaatay jawi degen oo farxad leh .

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed