Mareykanka oo si Dahsoon u mustaafurinaya Soomaali dalkaa ku noolaa
Minneapolis Mar 11,2013(SDN)-Dawlada Mareykanka auaa si dahsoon u bilowday dal ka saarid ay ku sameyneyso Soomaali halkaa ku noolaa oo mudo sugayay in dalkoodi lagu celiyo.
Mareykanka ayaaney mudo dheer suurtogal u aheyn in ay Soomaalida dalkoodii hooyo ku celiso bacdamaa aaney jirin dawlad la aqoonsan yahay oo dadkaa lagu wareejiyo iyo nabad la isku haleyn karo oon Soomaaliya ka jirin.
Dadka la mustaafurinayo gidigood ma aha da denbiileyaala balse waxa ku jira qaar fara badan oo magengelyo doon ahaa oo ku guul dareystay in ay Mareykanka ku qanciyaan dalabkooda sababo inta badan la xiriira waraaqo aqoonsi la’aan darteed.
Soomaalida la mustaafurinayo ayaan aheyn qaar aad u faro badan,balse lama shaacin tirada dhabta ah ee dib dalkoodii hooyo loogu celinayo.
Axmed Ismaciil Smaatar oo ah bare wax ka dhiga Jaamacada Macalester isla markaana ahaa musharax u tartamay jagada madaxtinimada Soomaaliya oo Minne aapolis ku nool ayaa saxaafada u sheegay in Soomalaidu aaney walaac faro badan ka qabin Mustaafuriska.
Bare Samatar ayaa sheegay in sababtuna ay tahay tirada dadka la mustaafurinayo oo aan sidaa u badneyn ilaa iyo haatan.
Minneapolis oo dadka ugu badan laga mastaafurinayo ayaa ah goobta ay Soomaalida ugu badan ee Mareykanka joogtaahi ku nool yihiin.
Mareykanka ayaa talaabadan Mustaafurinta Soomaalida qaadaya ka dib aqoonsi uu bishii kowaad ee sanadk