|

Mareykanka Oo Sheegtay Weerarkii Aw-dheegle Iyo Ciidanka Soomaaliya Oo Qayb Ka ahaa

Muqdisho – Ciidammo Somali ah ayaa la sheegay in ay ka Qayb-qaateen hawlgalkii habeen hore laga fuliyay degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo khasaarihii ka dhashay ay illaa hadda kasoo baxayaan warar kala duwan.

Ciidamada_Kumaandoosta_Somalia_HOL_660

Hawlgalkan oo ay fuliyeen diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah ayaa waxaa la sheegay inay ciidamadii la socday ay ku jireen Kumaandoosta Somalia, waxaana dagaalka dhex-maray ciidamada diyaaradahan watay iyo kuwa Al-shabaab uu socday muddo saacad ah.

Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan, Col. Mark Cheadle ayaa sheegay in ciidamadooda aanay wax xabad ah ridin, balse ay sugayeen amniga goobaha ku dhow halka uu howlgalku ka socday, isagoo xusay in ciidamada la dagaalamay kuwa Al-shabaab ay ahaayeen Kumaandoosta Soomaaliya.

“Ciidamadeenu waxay ahaayeen kuwo talooyin siinayay Ciidamada Soomaalida ah ee kula jiray dagaalka Al-shabaab. Diyaaradaha duullaanka lagu qaadanayna innaga ayaa iska leh,” ayuu yidhi Col. Cheadle.

Dhanka kale, Sarkaal ka tirsan Dowladda Somalia ayaa sheegay in hawl-galkaas lagu dilay 15 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, ayna gacanta ku soo dhigeen lix ruux oo ay doon-doonayeen, kuwaasoo aanu sheegin magacyadooda iyo xilka ay ka hayeen Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Weerarkan ayaa kii ugu horreeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Kumaadoosta Somalia iyo Ciidanka Mareykanka ee Somalia ku sugan; waxaana weerarkan uu imaanayaa xilli maalmo ka hor la duqeeyay saldhig ay ku lahayd Al-shabaab badhtamaha Soomaaliya.

Comments are closed