Mareykanka oo sheegay Inay Dileen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab
Muqdisho,8Dec,2015(QJ/SDN)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeymo ay ka geysatay toddobaadkii hore Soomaaliya iyo Liibiya ay ku dishay laba sarkaal oo ka mid ahaa kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Qaaradda Afrika.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka, Cap. Jeff Davis ayaa sheegay in duqeyn ay ka geysteen Soomaalia 02-dii bishan December ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan San-dheere iyo dhowr xubnood oo la socday.
Sidoo kale, Davis wuxuu xusay in dilka Sandheere oo sidoo kale loo yaqaannay Cukaash ay dhabar-jab weyn ku noqon doonto ururka AL-shabaab ee Soomaaliya ka dagaallama.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay duqeymo ka geysteen deegaan ku dhow Kuunyo-baroow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay ku sugan yihiin xoogagga Al-sbabaab.
Dhanka kale, wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay bishii lasoo dhaafay ku dishay Abul Nabil oo ay ku sheegeen inuu ahaa hoggaamiyihii DAACISH ee dalka Liibiya.
“Nabil waxaa lagu dilay duqeyn Liibiya ka dhacday 13-kii November 2015-ka, waxaana duqeynta lagu dilay fuliyay diyaarado noocoodu ahaa F-15 oo sarkaalkan ku beegsaday magaalada Derna,” ayuu yidhi afhayeenka guud ee Pentagon-ka Davis.
Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ku dilay hoggaamiyihii muddada dheer soo xukumayay Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaannay Sheekh Cabdiraxmaan Abuu-Zubeyr horraantii bishii September ee sannadkii lasoo dhaafay 2014-kii.
Si katsaba ha ahaatee, Xarakada Al-shabaab ayaan illaa hadda ka hadlin sheegashada Maraykanka, taas oo ah inay dileen sarkaal ka tirsanaa ururka Al-shabaab.