Mareykanka oo sheegay in Shabaabku Soomali ka tagtay Minnesotta u dirtay Syria
Minneapolis June 04, 2014(SDN/QJ)-Ciidamada amaanka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhalinyaro Soomaali ah oo dhawaan ka tagay Minneapolis ay u socdaaleen dalka Syria si ay uga qeyn qaataan dagaalada dalkaa ka socda sadexdii sano ee u danbeysay.
Ciidamada FBI-da Mareykanka oo xogtan shaaciyay aya sheegay in Soomaali tobaneeyo ahi la aaminsan yahay in ay dhawaan socdaaleen.
Waxaana ay ka codsadeen Soomalaida ka warheysa dad qorsheynaya in ay dhawaan socdaalaan ay soo wergeliyaan.
Ilaa sanadii 2007 dii waxa dalka Mareykanka ka haajiray 22 ruux oo ku biiray kooxda Al Shabaab, iyada oo qaar ka mid ahi dhaintaas ay dagaalo ku geeriyoodeen.
Kooxda u socdaashay dalka Syria ayaa la sheegay in ay haatan u gacan haatinayaan dhalinta reer Mareykan.
Waxa la aaminsan yshay in dhalantan u danbeysay ee Jihaadka u socdaashay ay yihiin qaar ay afkaarta xagjirnimadu hogaamisay ee aaney aheyn wadaninimo.
SDN/QJ-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com