Mareykanka oo sheegay in Ciidamada dalka Ruushku duqeyn ku bilaabeen Ukraine
Washington July 26,2014(SDN/QJ)-Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Ruushku bilaabeen in ay madaafiicda goobta ku garaacaan fariisimada ciidamada Ukraine isla markaana a isku diyaarinayaan in ay guddaha u galaan Ukraine.
Ruushka ayaa sheegay in Mareykanku been sheegayo oo ay ciidamada Ukraine duqeymo ka geysteen tuulooyin dalkaa ku yaal.
Col Steve Warren oo ah afhayeenka taliska ciidamada Mareykanka ee Pentagon ka loo yaqaano ayaa sheegay in Ruushku damacsan yaay in xiisada uu sii kordhiyo.
Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in Ruushku ay madaafiic faro badan soo dhoobeen xadka Ukraine ay la wadaagaan isla markaana ay suurto gal tahay in hubkaa culus lagu wareejiyo kooxaha mucaaridka ku ah Ukraine.
SDN/QJ-Washington
contact@qurbejoog.com