Mareykanka oo shaaciyay nooca Sunta ay Xukuumada Syra shacabkeeda u isticmaashay
Washington Sept 02,2013(SDN)-Dawlada dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay xukuumada Bashar Al Asad sunt Sarin u isticmaashay weerar ay dhawaan ku qaaday duleedka caasimada Dimishiq.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa mar uu saxaafada la hadlay sheegay in ay dawladiisu haatan heyso xog muujineysa in xukuumada Bashar Al Asad sunta Sarin u isticmaashay weerarkii ay bishii ina dhaaftay ku qaaday duleedka Dimishiq.
Hadalkan ayaa k usoo beegmaya xili ay xukuumada Obama ay ku gudo jirto olole ay xiladhibaanada labada gole ee dalkaasi dooneyso in ay ugu codeeyaan weerar lagu qaado Syria.
Waxaana ay xukuumada Obama haatan ay wadaa kulamo ay xildhibaanada ugu soo bandhigeyso khatarta ay xukuumada Asad ku tahay danaha dalka Mareykanka.
SDN-Wahington
contact@somalidiasporanews.com