Mareykanka oo magdhaw ka bixiyay dad dhawaan uu Askari ku laayay Afgaanistaan
Kabul Mar 26,2012(SDN)-Saraakiisha xukuumadda dalka Afgaanistaan iyo odeyaasha qabaa’ilka ee gobolka Kandahaar, ayaa maanta si rasmi ah u sheegay in eheladii todoba iyo tobankii qof ee askariga Maraykanka ihi ku dilay muddo laba tododbaad laga joogo tuulo ku taala Kandahaar la guddoonsiiyey lacag mag dhaw ah.
Waxana eheladaasi lagu guddoonisiyey magta xarunta guddoomiyaha gobolka Kandahaar, iyadoo qof kasta oo dhintay laga bixiyey lix iyo afartan kun oo dollar-ka maraykanka ah, halka qofkii dhaawacmayna la siiyey toban kun oo dollar.
Saraakiisha Maraykanka ee magtaasi bixiyey waxa ay u sheegeen odayaasha qabaa’ilka iyo ehelada dadka ka dhintay in qaar ka mid ah Markhaatiyaashii arkayey markii askarigu fulinayey dilkaasi loo duulin doono dalka Marayknaka si cid kasta u ogaato in maxkamad cadaalad ah la soo taagayo askarigaasi, oo u furan warbaahinta caalamka.
SDN-Kabul