|

Mareykanka oo maanta dib u furtay Safaaradda uu dalka Cuba ku lee yahay 54 sano ka dib

Havana,14Aug,2015(QJ/SDN)-Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry oo maanta socdaal booqasho ah ku tagey Magaalada Havana Ee Xarunta Wadanka Cuba, ayaa ka furay Safaaradda uu Mareykanku ku lee yahay, ka dib muddo 54 sano ah oo ay xirneyd.

Safaaradda waxaa la xiray sanadkii 1961-kii, xilligaa oo khilaaf xoogani uu labada dal soo kala dhex galay. Tallaabada xilligan uu Mareykanku dib ugu furtay Safaaradda, ayaa ka dambeysay dadaalo xagga diblomaasiyadda ah, oo labada dhinac ay sameeyen.

Munaasabadda dib loogu furaayay Safaaradda, ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin labada dal ka kala socotay. Boqolaal shacab ah ayaa sidoo kale la arkaayay, iyagoo soo buuxiyay xeendaabka Safaaradda.

CUBA

Xukuumadda Havana, ayaa 20-kii bishii hore ee July dib u furatay Safaaradda ay ku lee dahay dalka Mareykanka (Magaalada Washington).

CUBA1

Xoghayaha oo ka hadlaayay munaasabaddii maanta, ayaa sheegay in la sameeyo xiriir diblomaasiyadeed oo labada dal, aynaan ahayn wax ku eg hal dhinac, balse ay tahay wax ay si wadajir ah  u wada qabtaan labada dhinac, iyadoona ay ka wada faa’iideysanayan muwaadiniinta labada dalba.

CUBA 2

Xoghayaha waxa kaloo uu sheegay dib u furista Safaaradda Mareykanka ee Cuba inay muhiim u tahay labada Xukuumadood iyo labada shacab.

Waxa uu ganacsatada Mareykanka uu ugu baaqay inay maalgashi ku sameystan dalka Latin America ku yaala, xilli dadka Mareykanka ay bilaaben inay u safraan dalkaasi.

John Kerry, ayaa noqonaaya Wasiirkii ugu horeeyay oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ka socda, oo ka degga Magaalada Havana, muddo 70 sano ah.

Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee ugu dambeeyay ee booqasho ku tagga dalka Cuba, ayaa waxaa uu ku tagey sanadkii 1945-kii. Waxaana ka soo wareegatay muddo ku siman 70 sanadood.

Comments are closed