|

Mareykanka oo Kolkii u horeysay ka hadlay weeraro uu ku qaaday Soomaaliya

Washington June 16,2012(SDN)-Dawlada dalka Mareykanka ayaa maanta markii u horeysay ka warbixisay dagaal hoose oo ay kula jirtay mintidiinta Soomaaliya oo aaney hore u qiran.

John Brennan oo ah madaxa la dagaalnka Argegixisada u qaailsan Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Mareykanku ku weeraro xagjiriinta Soomaaliya Duyuuradaha aaney cidi wedin.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dawlada Mareykanka iyo Soomaaliya kawada shaqeeyeen ladagaalanka argegixisada.

Xogtan iminka shaaca laga qaaday ayaa waxa ka cawday xubnaha ka tirsan Aqalka Congresska Mareykanka oo sheegay in qorshaha Obama ay ka mid tahay liis magacayada dadka ay tahay in la dilo.

Xubnaha Congresska ee eedan u jeediyay Obama oo u badan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in xogtan la siidaayay looga gol leeyahay in loo muujiyo madaxweynuhu in uu dagaal kula jiro argegixisada.

 

Comments are closed