Mareykanka oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray Puntland
Muqdisho (QJ) – Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u beenisay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, kaasi oo ahaa in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay kala baxday shaqaalaheeda muhiimka ah.
Qoraal kooban oo ay soo saartay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa been abuur ku tilmaantay warkii lagu sheegay wasiirka warfaafinta Puntland, iyadoo lagu nuux-nuuxsaday in shaqada safaaraddu ay u socoto sidii caadiga ahayd.
“Wararkii ugu dambeeyay ee sheegaya in safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay bilowday daad gureynta shaqaalaheeda muhiimka ah waa been gabi ahaanba,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho maanta.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir, ayaa maalmo ka hor sheegay in Dowladda Mareykanka ay diblumaasiyiinteeda iyo shaqaalaheeda muhiimka ah kala baxday Muqdisho sababo dhinaca ammaanka ah, isagoo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku fashilantay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.