|

Mareykanka oo ka carooday Maxaabiis ay siideysay dawlada Afganistaan,maxey tahay sababtu?

Kabul Feb 14,2014(SDN)-Ciidamada dalka Mareykanka ee ku sugan dalka Afgaanistaan ayaa caro weyn ka muujiyay siideynta maxaabiis loo qabqabtay falal argegixiso oo dilal ay ka dhasheen.

Xeer ilaaliyaha dalka Afgaanistaan Mohammad Ishaq Aloko oo ooda ka rigay maxaabiistan tiradoodu aheyd 65 ruux ayaa sheegay in wax denbi ah lagu waayay.

Taliska Mareykanka ee Afgaanistaan ayaa sheegay in ragani weeraro ay qaadeen ay ku dhinteen ciidamo ka kala socday NATO iyo Afgaanistaanba.

Halka qaar kalena lagu qabtay iyaga oo ku hawlan aasida walxaha qarxa.

Dawlada Afgaanistaan ayaa arinkan uga jawaabtay farogelin qaawan oo Mareykanku uu ku hayo nidaamka cadaalada dalkaasi.

Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in siideynta denbiileyaasha ay tahay jebin heshiisyadii u yiilay labada dal,isla markaana ay dawlada Afgaanistaan qaadi doonto masuuliyadeeda.

Si kastaba ha ahaatee dalalka Afgaanistaan iyo Mareykanka ayaa bilihii ina dhaafay aad ugu kala duwanaa dhan walba siyaasada.

SDN-Kapul

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed