Mareykanka oo joojiyay taageeradii uu siin jiray Ciidamada Danab
Muqdisho (QJ) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ee BFS kaga dhawaaqay in dowladda Mareykanka ay joojisay taageeradii dhaqaale ee ay siin jirtay Ciidanka Danab ee sida gaarka ah u tababaran, tallaabadaas oo uu sheegay in ay saameyn dhaqaale ku yeelatay dowladda Soomaaliya.
Mareykanka oo in muddo ah maalgelinayay Ciidanka Danab ayaa joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray, taasoo keentay in dowladda Soomaaliya ay sameyso qorshayaal wax looga qabanayo xaaladda.
Joojinta kaalmada dibadda ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa si weyn u saameysay Soomaaliya, iyadoo Washington laga jaray dhaqaalihii ay siin jirtay Ciidanka Danab iyo dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo Daacish.
Guutada Danab waa unuggii ugu horreeyay ee si gaar ah loo asaasay Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.
Dowladda Mareykanka ayaa bilaawday tababarida guutada Danab bishii October ee sanadkii 2013-kii, iyadoo lagu bilaabay ciidamo gaaraya 105 askari.