|

Mareykanka oo isku diyaarinaya weerar mustaqbalka uga yimaada Woqooyiga Kuuriya

Washington Mar 17,2013(SDN)-Mareykanka ayaa bilihii u danbeeyay si saaid ah ula socdey dhaqdhaqaaqa ciidan ee dalka Woqooyiga Kuuriya oo si xawli ah u dardar geliyay barnaamijkiisa gantaalada ridada dheer ee qaada hubka Nuclearka.

Mareykanku waxa uu haatan bilaabay mashruuc difaac oo looga hortagayo weerar uga yimaada dalka Woqooyiga Kuuriya mustaqbalka.

Gobolada Alaska iyo California ayaa waxa ay xarun u noqon doonaan gantaalo haatan uun la maalgelinayo oo hawada ku burburin doona gantaalo ay dhici karto in ay Woqooyiga Kuuriya la beegsato Mareykanka.

Haatan Mareykankau waxa uu isha ku haya dhaqdhaqaaqyada Woqooyiga Kuuriya kiyoo isticmaalaya Maraakiib dagaal, Duyuurado ku sugan bada Pacificga   iyo xarumo ciidan oo uu ku leeyahay dalka Japan.

Mareykanka ayaa qorsheynayaa in barnaamijkooda difaaca uu dhaqan galo sanadka 2017ka.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed