|

Mareykanka oo ilgaara ku eegaya Soomaalida Minneapolis

Minneapolis Jan 25,2014(SDN)-Ciidamada amaanka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay ilgaara ku eegaya dhaqdhaqaaqa Soomaalida dalkeeda ku nool khaasatan Minneapolis oo hore Soomaali uga tagtay ay u Jihaad tegeen Soomaaliya.

Rep. Mike McCaul,oo ah madaxa guddida amniga Qaranka ee Baarlamaaka Mareykanka ayaa sheegay in Al Qaacida aaney baxsad aheyn ayna ku kobceen Bariga dhexe iyo Africa.

Madaxa ciidamada FBI ee Mareykanka James B. Comey ayaa qudhiisa ka hadlay la socodka ciidamadu uGu jiraan dhaqdhaqaaqa xagjiriinta.

Comey waxa uu sheegay in ay dabgal ku hayaan ashqaas la daba socday intii ka danbeysay weerarkii Sep 11 ee 2001dii.

“Ma sahlana in dadkan lala socdo oo la aqoonsado lana joojiyo,sababta oo ah waxa ay u kala jajabeen dhawr kooxood”ayuu yiri Comey.

Si kastaba ha ahaatee FBI-da ayaa sheegtay in uu Koror ku yimi dhaqdhaqaaqyada ay xagjiriintu ku qoranayaan dhalinta reer Minneapolis si ay uGu biiraan xag jiriinta.

SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed