|

Mareykanka oo Gawaari dagaal ugu deeqay komaandosta Soomaaliya

Muqdisho Mar 07,2014(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa ciidamada komaadosta ee dawlada Soomaaliya waxa ay ugu deeqday gawaari nooca ciidamada ah.

Deeqdan ayaa imanaysa xili dib u habeyn balaaran ay ku socoto ciidamada amaanka ee dalka Soomaaliya.

Gawaarida ay dawlada Mareykanku ugu deeqday ciidamada Komaandosta ayaa lagu sheegay tiradooda in ay yihiin 15 gaari.

Lama shaacin nooca gawaarida ee ciidamada Soomaalida loogu deeqay.

Taliyaha ciidamada Dawlada Soomaaliya Gen Dahir Aden Elmi ayaa sheegay in gawaaridani loo adeegsan doono la dagaalanka kooxda Al Shabaab.

“Tani waa qeybtii u horeysay gacan qabad ay Mareykanku u siin doonaan ciidamada dawlada,waxa naga goan in soo saaro ciidamo tayo leh si aanu nabadeenii ula soo noqonayo”ayuu yiri Gen Daahir oo muqdisho saxaafada kula hadlay.

Col Xasan Maxamed oo isna loo magacaabay taliyaha Komaandoosta ayaa sheegay in ciidamadu diyaar yihiin dhawaana la arki doono wax qabadkooda.

Si kastaba ha ahaatee amniga guud ee dalka ayaa ka sii daraya xili ay dawladuna sanadihii u danbeeyay kolba balan qaadeysay isbedel.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed