Mareykanka oo duqeyn ku dilay laba Sarkaal oo ka mid ah kooxda Al Shabaab
Muqdsiho Oct 29,2013(SDN)-Sida laga soo xigtay mid ka mida mid ka mida dagaal yahanada Shabaabka iyo askari ka mid ah sirdoonka dawlada Soomaaliya ayaa qiray in duyuuradaha aaney cidi wadin ee Drone-ka loo yaqaanaahi ay dileen laba sarkaal oo ka tirsan kooxda Al Shabaab.
Dagaal yahanka Shabaaka ee laga soo xigtay xogta duqeynta oo magaciisa ku soo gaabiyay Abu Mohamed ayaa sheegay in ragan Shabaabka ah ee lagu bartilmaansaday weerarka uu mid ka mida ahaa nin ku takhasusay walxaha qarxa oo la yiraahdo Anta.
Waxa uu intaa ku daray in Duqeyntani oo ay fulisay mid ka mida duyuuradaha aaney cidi wadin lagu bartilmaansaday gaari ay saraakiishu la socotay oo marayay mid ka mida degaanada Gobolka Jubada dhexe.
Sarkaalka ka tirsan sirdoonka dawlada Soomalaiya oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa saxaafada u sheegay in weerarka lagu qaaday koox Shabaabka ka tirsan oo ku baxay laba beelood oo dagaalamay.
Horaantii bisha ayay aheyd kolkii ciidamada Mareykanku ay weerar ay ku beegsadeen saraakiil Shabaabka ka tirsan magaalada Baraawe.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com