Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay Afmadoow
Afmadoow July 09, 2023 (QJ) – Weerarkii u dambeeyay ee ay qaadeen ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sababay khasaare lixaad leh oo ka dhacay deegaano la rumeysan yahay in ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Weeraradan ayaa waxaa ka dhashay khasaare baaxad leh oo dhimasho iyo dhaawacba leh, sida uu sheegay Mareykanka.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, duqeyntii shalay ayaa lagu beegsaday dhowr deegaan oo ku yaalla duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Waxaana la sheegay in deegaanadaas ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
AFRICOM ayaa sheegatay in duqeyntaasi ay ku dishay 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, waxa uuna Mareykanka carabka ku dhuftay in ay heleen xog sirdoon oo muujineysa in duqeyntaasi aysan ka dhalan wax khasaaro ah oo soo gaaray dad shacab ah.
AFRICOM ayaa ku tilmaantay duqeyntan mid difaac ah, oo looga jawaabayay khatar soo fool leh oo kaga timid kooxda xagjirka ah.
Waxa ay sidoo kale xuseen in ay sii wadi doonaan qiimeynta natiijada howlgalka iyaga oo faah faahin dheeri ah ka bixin doona sida ku haboon.
Weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada Mareykanka ay fuliyeen ayaa waxaa lagu dilay qaar ka mid ahaa Hoggaanka iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana kadib duqeyntaasi la sheegay in maleeshiyada ay kala firxadeen oo ay dib u gurteen.