|

Mareykanka oo Duqeeyay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Baardheere,16july,2015(QJ/SDN)-Dadka ku nool  magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa labo qarax oo waa weyn kadib markii diyaaradaha meelaha fog fog laga hago ay gantaalo ku dhufteen gaari la aaminsan yahay inay wateen saraakiil ka tirsan Xarakadda Al-Shabab oo marayay meel Baardheere u dhaw.

 

Wararku waxay sheegayaan in gaariga la duqeeyay oo ay la socdeen 2 hogaamiye oo Al-Shabab ka tirsanaa kuwaasoo la sheegay inay duqeynta ku geeriyoodeen.

Qof ka mid ah dadka degen Baardheere ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabab ay goobta wax ka dhaceen kasoo qaaday meydadka dadkii duqeynta ku geeriyooday oo aan tiradooda la sheegin.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in  gaariga la duqeeyay uu gabi ahaanba bur buray ama uu gubtay .

Willi cidi ma sheegin mas’uuliyadda weerarkaas hase ahaatee warbaahinta caalamka ayaa hadal haysa in duqeyntaas ay geysteen diyaaradaha Maraykanku leeyahay ee meelaha fog fog laga hago.

Al-Shabab iyaguna willi kama aysan hadlin weerarkaan ka dhacay banaanka magaalada Baardheere.

Maraykanka ayaa duqeyn sidaan oo kale horey ugu dilay hogaamiyaal Al-Shabab ka tirsanaa oo Soomaali iyo ajaanib iskugu jiray.

Comments are closed