|

Mareykanka oo Denbi ku soo oogay nin Dhawaan shaaciyay in la la Basaaso Isgaarsiinta dalkaasi

Washington June 22,2013(SDN)-Dawlada dalka Mareykanka ayaa iminka ku dhawaaqday denbiyo ay ku soo oogtay Edward Snowden oo ah nin u sheqeynayay mid ka mida hey’adaha amniga ee dalkaasi oo shaaciyay in la dhegeysto isgaarsiinta.

Snowden oo markii u danbeysay ku sugnaa magaalada Hong Kongo oo uu ku dhuumaaleysanay intii ka danbeysay in uu ahaa ruuxa saxaafada la socodsiiyay jiritaanka barnaamijkaasi.

Dawlada Mareykanka ayaa ku soo oogtay Edward Snowden shirci aan inta badan la isticmaalin oo loo yaaqaano The Espionage.

Sharcigan ayaa kolkiisii hore loogu talo galay in lagu xakameeyo muwaadiniinta xogta qaranka ka iibiya wadamo shisheeye.

Xukuumada Obaama ayaa culeys weeyn kala kulantay fadeexada basaasida isgaarsiinta caalamka,waxaana ay soo shaac bixisay sida xukuumadu ugu talax tagtay ku tumashada shuruucda dalka.

Dawlada Mareykanka ayaa dhankeeda sheegtay in barnaamijku aheyn mid qarsoonaa oo golleyaasha sharci dejintu ansixiyeen.

Haatan waxa aan cadeyn sida denbigan loogu soo oogi karo Snowden bacdamaa aaney cidba ogeyn halka uu ku sugan yahay.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed