Mareykanka oo dawlada Iran uga digay in ay xidho marin biyoodka Hormuz
Washington Dec 29,2011(qurbejoog.com)Dawlada Mareykanka ayaa si adag uga jawaabtay hadal dhawaan ka soo yeedhay dawlada Iran oo ku wejahnaa marin biyoodka Hormuz oo dhabe u ah maraakiibta shidaalka ukala daabula dunida dacaladeeda.
Marin biyoodkan ayaa waxa mara shidaalka ugu badan ee taga dalalka dunida ee sida weyn ugu tiirsan shidaalka bariga dhexe.
Dawlada Iran ayaa dhoolotus ay dhawaan ku sameysay Hormuz dabadii waxa ay shaaca ka qaaday in aaney waxba ku aheyn in ay xanibto marinkaasi.
Iran ayaa sheegtay in ay tilaabadaa qaadeyso hadii lagu soo rogo cunaqabateyn hor leh.
Mareykankuna waxa ay sheegeen in aaney iska daawan doonin in Iran xirto marin biyoodkaasi.
Waxa cirka isna isku sii shareeraya hadalada qalafsan ee ay dawladaha reer galbeedka iyo Iran is weydaarsanayaan maalmahan danbe.
Qurbejoog-Washington