|

Mareykanka oo canbaareeyay weerarkii Israel ee dugsiyada QM balse saanad hub ah ugu deeqay Israel

Washington July 31,2014(SDN/QJ)-Dawlada Mareykanka ayaa canbaareysay weerar ciidamada Israel ay ku qaadeen Dugsi QM ay ku leedahay Qaza oo ay gabaad ka dhiganayeen baro kacyaal Falastiiniyiin ah.

Bernadette Meehan oo ah afhayeenka gudida nabedgelyada Qaranka ayaa canbaareysay weerarka ciidamada Israel ku qaadeen dugsiga QM ee Jabaliya.

“Waxaanu aad uga walaacsan nahay kumanaanka barokacayaasha ah ee Israel ay ku amartay in ay aqaladooda ka qaxaan aaney hadan goobaha QM amaan ku aheyn” ayay tiri Meehan.

Meehan ayaa waxa ay dalbatay xabad joojin ay sameeyaan dhinacyada Qaza ku hardamaya.

Dhanka kale Mareykanka ayaa shaaciyay in ay saanad huba siinayaan ciidamada Israel oo dagaal bba’an kula jirta Xamaas.

Israel ayaa sheegtay in saanadan ay Mareykanka siinayaan ay tahay mid keyd ah oo aan hatan loo baahneyn.

Israel ayaa Mareykanka ka hesha hubka iyo maaliyada gacan qabad ee dunida ugu badan ee dal siiyo dal kale.

Si kastaba ha ahaatee tilaabadani waxa ay muujineysaa sida Mareykanku aanu dhexdhexaad uga noqon karey xiisada Bariga Dhexe.

SDN/QJ-Washington

contact@qurbejoog.com

Comments are closed