Mareykanka oo cadeeyay in Jabuuti gacan ka siiso la dagaalanka Xagjiriinta Soomaaliya
Jabuuti Dec 14,2011(qurbejoog.com)-Waxa shalay gelinkii danbe booqasho gaaban ku yimi dalka Xoghayaha Difaaca ee dalka Mareykanka Mr Leon Pennete oo sacaado kooban dalka joogay.
Wasiirka oo saxaafada u waramay ayaa sheegay sida Jabuuti mu hiim ugu tahay dalkiisa la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee ku dhuumaaleysanaya gobolka Geeska Africa.
“Waxaad ogtihiin sida Al Qacida looga guuleystay,iyo sida ay iminka ugu soo urureen Yemen iyo Soomaaliya”ayuu yidhi Penneta.
“Iminkana waxa muhiim ah in la helo dal Gobolka ku yaala oo dagaalkan udub dhexad u noqda,Jabuutina waa ay buuxisay kaalintaas” ayuu yidhi Mr Panneta.
Xoghayaha Difaaca ee dalka Mareykanka ayaa intii uu joogay Jabuuti waxa uu booqday 3 kun ee ka mid ah ciidamada Marekanka ee dalka Jooga.
Xogahayuhu waxa uu lakulmay Madaxweynaha Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle intaanu dalka dib uga dhoofin.
Safarka iyo hadalka Xoghayaha waxa ay muujinayaan sida Mareykanku u doonayo in Jabuuti ay u noqoto tabtii Bakistaan oo kale kolka laga hadlayo la dagaalanka argegixisada.
Qurbejoog-Jabuuti