|

Mareykanka oo Aqoonsigii Dawlada Soomaaliya dabadeed Mustaafuris ku bilaabaya Soomaalida

Minneapolis Mar 07,2013(SDN)-Dawlada Mareykanka oo mudo dheer ay u suurto geli weyday in qaar ka mida Soomaalida dalkooda ku nool in ay mustaafuriso ayaa aqoonsigii Dawlada Soomaaliya dabadeed haatan wada qorshe dib loogu celinayo Soomaali Mareykanka mudo ku noolaa.

Soomaalida la mustaafurinayo ayaaney tiradoodu cadeyn balse waxa muuqata in waaxda socdaalka Mareykanku in iminka ay ku hawlan tahay dib u celinta Soomaali denbiyo kala duwan gashay mudadii ay Mareykanka joogeen.

Hore uma suurto galeyn in Soomaalida dalkoodii Hooyo dib loogu celiyo bacdamaa aaney jirin dawlad lagu wareejiyo.

Bishii koowaad ee Sanadkan ayay Dawlada Mareykanku aqoonsatay dawlada Soomaaliya ee dhawaanta la doortay.

 

Comments are closed