|

Mareykanka iyo Ruushka oo ku heshiiyay in Ukraine noqoto Federal

Paris Mar 31,2014(SDN)-Kulan ay wasiirada arrimaha dibeda ku yeesheen Paris ayaa waxa la iskula qaatay in dawlada Ukraine ay noqoto mid ku dhisan nidaam fedelaka.

Xoghayaha arrimaha dibeda Mareykanka John Kerry iyo wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa kulankooda ka soo saaray qodobo isku heyn kara bulshada kala duwan ee dalka Ukraine.

Kulanka labada dhan ayaa yimi ka dib kolkii madaxweynaha Ruushka uu la xiriiray madaxweynaha Mareykanka oo ay isla qaateen in wadahadal lagu dhameeyo xiisada Ukraine.

Ruushka ayaa goostay gobol ka mid ahUkraine isla markaana haatan ciidamo faro badan soo dhoobay xadka bari ee dalka Ukraine.

Wadahadalada Ayaan wax aka qeyb ka aheyn dawlada reer galbeedku aqoonsan yihiin balse Ruushku aanu aqoonsaneyn ee Ukraine.

SDN-Paris

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed