Mareykanka iyo China oo ka wada hadlaya Xatooyada Internetka
Rancho Mirage June 09,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka oo marti gelinaya dhigiisa China ayaa waxa uu kala hadlaya xatooyada Teknooligiyada ee China.
Madaxweyne Barack Obama iyo madaxweyne Xi Jingping oo ku kulmaya California ayaa si gaar ah isugula soo qaaday weeraro dhanka Internetka oo China uga imanayay Mareykanka.
Kulankan labada Madaxwyne ee u danbeeyay ayaa gebi ahaanba uu Madaxweyne Obama ku soo qaatay dhacdooyinkii u danbeeyay ee shirkado China ku sugani ku xadeen xogo ay leeyihiin haya’do dawli ah iyo kuwo ganacsi.
China ayaa dhankeeda soo jeedisay muhiimada loo qabo in labada dhan ay arinkan u saaraan guddi wada jir arinkan uga hawlgala.
Madaxweyne Obama ayaa dhigiisa China Xi Jingping u sharaxay in arinkan oo xal loo waayo ay keeni kareyso in ganacsiga labada dhan uu hakad geli karo.
Labada Madaxweyne ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay yeeshay kulamo qaatay sideed saacadood oo looga wada hadlay arimo kale oo ay ka mid yihiin Kuuriyada Woqooyi iyo isbedelka cimilada caalamka.
SDN-Rancho Mirage
contact@somalidiasporanews.com