Mareykanka: Cabsi Cusub oo Lasoo Daristay Texas Dallas
Texas (GM) – Mareykanka gaar ahaan gobolka Texas Dallas ayaa waxaa lasoo daristay cabsi hor leh kadib markii booliska loo soo diray farriin cagajugleyn ah ayadoon la ogeyn ciddii soo dirtay.
Halkaa ayaa waxaa lagu dilay dhowr askari oo booliis ah asbuucii tagay kadib markii boolisku toogteen dad madow dhawaan.
Booliska ayaa intaa ka dib geyfnaan la galiyay. Tan iyo shalay booliska caasimada Dallas ayaa heegan ahaa kadib markii farriintaa cabsi galinta ah ay ku heleen twitter.
Haatan ayaa waxaa socda wali mudaaharaadyo looga soo horjeedo leynta dadka madow ee boolisku ku hayo dadkaa qeybo badan ayadoo in dhawaaleba ay si bareer ah boolisku u tooganayeen dadkaa madow arintaas oo gabboodfal loo arkay.
Magaalada St Pauls ee gobolka Minnesota halkaa oo asbuucii hore nin madow oo dhalinyaro ah lagu dilay waxaa hada oo aan qoreyno warbixintaan kasocda bannaanbaxyo dilalka dadka madow looga soo horjeedo.
Dibadbaxeyaasha ayaa ku dhawaaqaya, ‘Black Lives Matter oo ah nolosha dadka madow qiime ayay leedahay’.
Shalay Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Mareykanku kasoo kaban karo kala qeybsanaanta midabada ku dhisan.
Magaalooyinka kale ee bannaanbaxyadu saameeyeen waa New York, Seattle, Indianapolis iyo Philadelphia.