|

Mareykank oo duqeyn ku dilay 10 dagaal yahan oo Shabaab ahaa

Muqdisho (QJ) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn diyaaradeed oo dhawaan ka dhacday meel ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Howlgalkan oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo. Waxa ay beegsatay koox ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay weerar.

Sida lagu sheegay warka ka soo baxay dowladda, weerarka ayaa si guul leh u carqaladeeyay weerarka qorsheysan ee maleeshiyada. Warar horudhac ah ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 10 dagaalyahan laga dilay. Ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

“Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka, waxaa ka go’an ciribtirka Al-Shabaab iyo ka hortagga weerarrada wadajirka ah ee ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka dowladda.

Leave a Reply