|

Maraykanka: Saddex Sano Jir Hooyadii Iyo Aabihiis Ku Dhaawacay Rasaas Uu Ku Furay

Santa fe:Feb02,2015(SDN/QJ)-Warka laga helayo Gobolka New mexico, ayaa sheegaya in Wiil saddex sano jirey uu dhaawac u gaadhsiiyey Hooyadii iyo Aabihiis kadib markii uu rasaas ku riday.

trigRasaasta wiilanka saddexda sano jirey uu riday ayaa la sheegay inay ahayd Baastoolad cabaysan oo uu  ka helay Boorsada Hooyadii, taas oo uu markii uu taabtay ku dhacday labadaas waalid oo meesha ku sugnaa.

Aabihiis ayay kaga dhacday badhida xabadii uu soo riday wiilka yar balse xabadii ayaa ka sii gudubtay aabaha waxayna kaga dhacday gacanta hooyadii qoyska oo leh uur siddeed bilood ah.

Shilkan oo ka dhacay qol ay qoyskan ka degenaayeen hotel ku yaal magaalada Albuquerque gobolka New Mexico ee dalka Maraykanka ayaa waxaa sidoo kale qolkaas ku sugnaa gabadh labo sano jir ah oo wax dhaawac ah soo gaadhin.

Aabaha qoyskan Justin Reynolds ayaa sheegay in xaaskisa xaamilada ah Monique Villescas ay diyaarinaysay cunto markii xabada ay dhacday.

“Waxaan mar kaliya maqalnay xabad dhacaysa waxyar kadibna waxaan ogaaday in saaxibadey uu dhiig ka socdo,”ayuu u sheegay Justin xarun warbaahin oo ku taal magaalada uu shilkan ka dhacay. “Kadib waan fadhiistey waxana aan ogaaday in aan anigana dhaawacanahay.”ayuu sii raaciyay.

Aabaha qoyskan ayaa laga saaray isbitaalka gelinkii dambe ee shalay balse xaaskiisa Ms Villescas weli waxa ay ku jirtaa isbitaalka.

Kadib markii uu shilkan dhacay ayaa shaqaalaha arrimaha bulshada waxa ay la wareegeen carruurta iyagoo xanaaneynayay muddo 48 saacadood ah, waxaana qoyskan loo haystaa haatan inay ku kaceen dambi ah dayacaad.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in qofkii haysta hub looga baahan yahay in uu meel ammaan ah dhigo oo weliba hubka uu ka ilaaliyo carruurta.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed