Maraykanka Oo Xaqiijiyey Geerida Haweenay Dhallinyaro Ahayd Oo Daacish Gacanta Ku Haysay
Washington:Feb,11,2015(SDN/QJ)-Maraykanka, ayaa xaqiijiyey Dhimashada Haweenay Dhallinyaro Maraykan ahayd oo ku jirtey Gacanta Ururka Islaamiga ah ee Daacish.
Haweenayda dhimatay oo lagu magacaabi jirey Kayla Mueller, ayaa Dawladda Maraykanka dhimashadeeda ka sokow waxa iyaga xaqiijyey Qoyskeeda oo sheegay inaanay noolayn.
Ururka Daacish ayaa afar maalmood ka hor sheegay in haweenaydan oo u shaqaynaysay hay’adaha gargaarku lagu dilay weerarada xagga cirka ee ka dhanka ah ururkaasi.
Afhayeen u hadlay Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka Bernadette Meehan ayaa sheegtay in qoyska Mueller ay heleen fariin gaar ah oo uga timid kooxda gacanta ku haysay gabadhooda maalmihii la soo dhaafay taas oo xambaarsanayd macluumaad dheeri ah oo ku aaddan dilka inantooda.
Afhayeen u hadlay aqalka cad ayaa u sheegay weriyayaasha in hay’adaha wardoonka ee Maraykanku aanay illaa hadda haynin macluumaad ku saabsan dhimashada haweenaydan.
Hore ayey Daacish u sheegeen in Haweenaydaasi ku Baxday Gacanta Diyaaradaha Wax duqeeya ee weerarrada Wada, waxase Maraykanku markaas sheegeen inaanay arrintaas caddayn u haynin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com