Maraykanka oo Xaqiijiyay inay Khaarajiyeen Ninkii ka Danbeeyay Qaraxyadii Hargaysa ee 2008
Washington 29.October 2013 (SDN)- Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Pentagonka Maraykanka ay u xaqiijiyeen in weerarkii shalay ka dhacay degmada Jilib ay iyagu ka dambeeyeen, kuna dileen saraakiil sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Saraakiisha Maraykanka ayaa intaa ku daray in gantaal laga riday dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Droneska lagu dhuftay gaari ay wateen saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo marayey halka loo yaqaan Dhaay Tubaako oo ka tirsan degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.
Iyagoo hadalkooda sii wata ayaa waxay sheegeen saraakiishan Maraykanka in weerarkaas lagu dilay labo nin oo midkood la oran jiray Ibraahim Cali Cabdi kaasoo ay sheegeen inuu sarkaalka Al-shabaab u qaabilsan sameynta noocyada qaraxyada kala duwan.
Sirdoonka Soomaaliya sarkaal ka tirsan oo la hadlay Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay Ibraahim Cali Cabdi uu ahaa ninkii diyaariyay weerarkii lagu qaaday Somaliland sanadkii 2008-dii ee lagu beegsaday Xarunta Madaxtooyada Hargeysa, Qunsuliyada Safaarada Itoobiya iyo Xarunta UNDP ee magaaladaas ku taala.
Dhowaan ayey aheyd markii uu fashilmay weerar ciidamada Maraykanku ku qaadeen degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose kaasoo lagu doonayey in lagu dilo ama lagu soo xiro sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo magaciisa la yiraahdo C/qaadir Maxamed C/qaadir.
Washington SDN.
Qurbejoog.com