Maraykanka Oo Sheekh Soomaali Ah Ku Eedeeyay Argagixisinimo.
Meneapolis,21july,2015(QJ/SDN)-Mas’uuliyiinta dalka Mareykanka ayaa doonaya in dhalashada lagala laabto Imaam Soomaali ah oo lagu tuhmay inuu sanadihii Sideetameeyadii xidhiidh la lahaa Kooxo Xagjiriin ah.
Sh. Maxamed Sh. C/raxmaan Kaariye ayaa lagu eedeeyay inuu lacago ku bixin jiray si uu dagaalyahanno ugu qoro uguna tababaro kooxo sannadihii 1980-kii kula dagalaamayay Afgaanistaan Midowgii Sofiyeeti, iyadoo Waaxda Cadaaladda Mareykanka ay sheegtay inay cabasho arrintan ku saabsan u gudbiyeen Isniintii shalay Maxkamadda Magaalada Portland ee Gobolka Oregon.
Qareenka Xukuumadda Mareykanka ayaa sheegay in Sheekh Kaariye uu muddo hore uu si toos ah macaamil ula sameeyay Usama Bin Laden iyo C/llaahi Azzam oo ahaa labadii ruux ee Aasaasay Al-Qaacida, uuna dhallinyaro uga qoray Mareykanka iyo Bakistaan koox ka tirsan Al-Qaacida oo lagu magacaabo Maktab Al-Khidamat.
Kaariye ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu aasaasay xafiis hay’ad uu madax ka ahaa oo lagu magacaabi jiray Hay’adda Caawinta Caalamka, taasoo ay xuseen in uu taageero u fidin jiray kooxo argagaxiso ah oo ay ku jirto Al-Qaacida.
Sidoo kale, Maamulka Federaalka dalka Mareykanka ayaa sheegay inay ku Fashilmeen in ay Kariye baaritaan ku sameeyaan markii uu dalbanayay dhalshada Mareykanka oo 1998-kii la siiyay. iyagoo xusay in Xeer-ilaaliyihii hore ee Portland uu ku Guul-darreystay inuu ku guuleysto baadhitaanka Sheekh Kaariye oo Imaam ka ah Masjidka Magaalada Portland ee Gobolka Oregon.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in Sheekh Kaariye uu ku dhashay dalka Somalia, uuna ku yimid Mareykanka Dal-ku-gal Ardaynimo sannadkii 1982-kii. Iyagoo intaas ku daray in sannadihii u dhexeeyay 1985-kii illaa 1988-kii, uu u safray dalka Afgaanistaan, halkaasoo uu tababar ku qaatay isagoo ka qaybgalay dagaalkii looga horjeeday Sofiyeedka.
Wadaadka ayaa la sheegay inuu sidoo kale uu u Safray Bakistaan oo uu ka helay Tababar dheeraad ah, waxayna mas’uuliyiinta Mareykanku xuseen inuu si toos ah ula shaqeyn jiray, Bin Laden iyo Azzam. Laguna xiray Baksitaan kaddib markii looga shakiyay inuu ku lug lahaa kooxaha Jihaad-doonka ah.
Kaddib markii uu kusoo laabtay dalka Mareykanka 1998-kii, ayuu Gudbisay Codsi uu ku dalbanayay Magan-galyada, isagoo ku dhaartay inuusan dalka ka bixin lana xirin weligiis.
Sh. Kaariye ayaa muddo ka ahaa Imaam Masjidka As-Saber oo ku yaalla Portland, waana wadaad si weyn loo yaqaanno, xubinna ka ah Golaha Muslimiinta magaaladaas. Laakiinse ma sheegin mas’uuliyiinta federaalka in weli uu Sheekhu Imaam ka yahay masjidka iyo in kale.
Ugu dambeyn, Muslimiinta ku nool Magaalada Portland, Oregon ayaa sheegay in sannado badan uu Sh. Kaariye u xidhnaa FBI-da Mareykanka, kaddib markii laga Qabtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Portland sannadkii 2002. Isagoo ka mid ahaa 18-qof oo loo diiday sannadkii 2010 inay ka dhoofaan Mareykanka.