|

Maraykanka oo Sheegay inay Khaarajiyeen Mid ka mid ah Hogaamiyeyaasha Ururka Alshabaab & Mid la Dhaawacay

Washington 03. September 2017 (SDN/QJ):-War kasoo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen duleedka magaalada Baraawe lagu dilay sargaal sare oo katirsan Kooxda Al Shabaab.

 

Duqeyntan ay fuliyeen Diyaaradaha dagaalka nuuca aan Duuliyaha laheyn ee dowlada Mareykanka ayaa lagu dilay Sargaal katirsan Al Shabaab mid kalana lagu dhaawacay sida lagu sheegay Warka kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka.

 

Dowlada Mareykanka ayana wali shaacin magaca sargaalka gantaalka lagu dilay iyo midka kale ee lagu dhaawacay, Kooxda Al Shabaab ayaa sidoo kale dhankooda ka hadlin duqeyntan Mareykanka ka fuliyay Shabeelaha Hoose.

 

Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ayaa duqeymo kala duwan waxa ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay saraakiil sar sare oo katirsan Al Shabaab, waxaana ugu dambeeyay Duqeyntii lagu dilay Sheekh Cali Jabal oo Shabaab u qaabilsanaa Muqdisho.

Comments are closed