|

Maraykanka Oo Safiir u Magacaabi Doona Muqdisho

Washington:June,04,2014(SDN/QJ)-Dawladda Dalka Maraykanka ayaa Ballan qaaday 20-sano kadib inay somalia u magacaabi doonto safiir cusub.

oygWaxa uu maraykanku ku sheegay isku dagygoodan ay Safiirka cusub ugu magacaabayaan Somalia inuu qayb ka yahay dedaalka xasiloonida iyo nabada lagaga dhalinayo Somalia.

Inkasta oo ay taasi jirto, ayaa haddana maamulka Obama waxa aanu wax qorshe oo deg deg ah ka lahayn inuu dib u furo safaaradii Muqdisho, oo dhowaanahan weeraro xooggan ay ka dhacayeen.

Hadal ay jeedisay maanta, ayaa kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Wendy Sherman, waxa ay ku sheegtay in magacaabista safiirka Somalia ay tahay astaan muujineysa xidhiidhka sii qoto-dheeraanaya ee Washington iyo Muqdisho.

Waxa ay Soomaalida ka dalbatay inay ka fogaadaan is-xifaaleynta qabaa’il, ayna diiradda saaraan dhismaha dowlad midnimo qaran.

“Cid annaga naga mid ah taas ma sameyn karto, hase yeeshee Soomaalida ha ogaadaan, haddii ay doortaan inay isu yimaadaan ayna doortaan wada-shaqeyn waxa ay heli doonaan taageero caalami ah” ayay Sherman u sheegtay Machadka Nabadda ee magaalada Washington DC.

Ma Jirto meel lagu sheegay magaca cidda safiirka noqon doonta, balse waxa la shaaciyey in si degdeg ah loo magacaabi doono safiirka.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed