|

Maraykanka oo nin u xidhay Filimka lagu aflegaadeeyay Nabi Muxamed (NNKA) iyo dalabka reer Galbeedka ee joojinta dibad-baxyada socda

Los Angeles 15, September 2012 (SDN)- Ciidanka amniga ee dalka Maraykanka, ayaa xidhay nin lala xidhiidhiyay filim lagu aflegaadeeyay Nabi Muxamed (NNKA), kaasoo dhaliyay mudaharaadyo balaadhan oo ka socda dalal ka mid ah dunida Islaamka.

Ninkan oo ka soo jeeda gobolka California ee dalka Maraykanka, laguna magacaabo Nakoula Basseley Nakoula oo 55 jir ah, waxa la xidhay maanta, si su’aalo looga waydiiyo filimkaas oo cadho badan ka abuuray dalalka Islaamka, iyadoo mudaharaadyo ka dhan ah filimkaas oo ka dhacay dalalka Libya, Masar, Yemen, Tunisia, Malaysia, Sudan iyo meelo kale lagu bartilmaameedsaday safaaraddaha Maraykanka iyo kuwo kale oo ka mid ah kuwa reer Galbeedka.

Siday sheegtay Reuters, ninkan waxa su’aalo waydiinaya hay’addaha amniga ee magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka, waxaana wax laga waydiinayaa filimkaas oo laga soosaaray gobolka California, laguna faafiyay Internet-ka.

Filimkani waxa uu galaaftay dad badan oo ay ku jiraan safiirkii Maraykanka ee Libya iyo saddex diblomaasi oo kale oo Maraykan ah oo lagu dilay magaalada Benghazi ee dalka Liibiya.

Baadhitaan ay samaysay shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxay ku xaqiijisay in filimkan oo ay magac uga dhigeen “Dambi la’ant Muslimiinta”, laguna lagu aflegaadeeyay nabigeenii suubanaa (NNKA), ay soosaartay Media for Christians oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka.

Dhinaca kale, dalalka reer Galbeedka ayaa ka hadlay dibad-baxyada cadhada leh ee lagaga soo horjeedo filimkaas, waxayna hoggaamiyeyaasha wadamada Carabta iyo kuwa kale ee Islaamka ugu baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo mudaharaadyada rabshadaha wata.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo maanta ka hadlay guriga Cad, waxa uu ku dooday in rabshadaha ka dhan ka ah Maraykanku aanay marmarsiiyo u noqon karin filimkaas.

Mr. Obama waxa uu ku dooday in Maraykanku weligiiba tixgelin jiray xoriyaadka caqiidooyinka, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dibad-baxyada ka socda dalalka Islaamka.

Qurbejoog.com, Los Angeles

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed