Maraykanka Oo Meel Gebo gebo ah Marinaya Qorshe Albaabada Loogu Laabayo Xabsiga Guantanano Bay
Washington:Jully,23,2015(SDN/QJ)-Inkastoo dibudhac weyni ku yimi xilligii loo ballansanaa oo ahayd Sanadkii 2009-kii, haddana, waxa haatan meel gebogebo ah maraya qorshihii xidhitaanka Xabsiga Guantanamo oo ah xarunta ay ka dhacaan Ciqaabaha ugu adage e Dad Bani’aadam ah loo geystaa.
Xabsigan ku yaalla Cuba waxaa lagu xidhaa dadka loogu yeedho dagaalyahanada cadawga ee dagaalada Ciraaq iyo Afghanistan.
Maxaabiista lagu xidho Xabsigan wax maxkamad ah lama soo saaro oo marka lasoo qabto ayaa si toos ah loogu gudbiyaa Xabsiga Guantanamo Bay, halkaasi oo si xun loogu ciqaabo.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa maalintii loo doortay Madaxweyninimada dalka Mareykanka ku dhawaaqay inuu xidhaayo Xabsiga Guantanamo Bay oo dad badan hore loogu dhibaateeyay halka sidoo kale maxaabiis badan ay ka buuxaan.
Sarkaal u hadlay Aqalka Cad ee dalka Mareykanka Josh Earnest, ayaa sheegay in qorshaha xidhista Xabsiga meel fiican uu maraayo, dhawaana albaabada loo laabi doono, iyadoo loo maraayo dariiq wanaagsan.
Congress-ka Mareykanka ayaa hore u diiday in maxaabiista xabsigaasi ku xidhan la geeyo dalka Mareykanka sababo dhanka ammaanka ah, balse taa bedelkeeda waxaa la doorbiday in la geeyo maxaabiista dalalka ay u dhasheen.
Xabsigan weyn ee Guantanamo Bay oo Mareykanka leeyahay ayaa lagu ciqaabaa dadka Mareykanka ay ugu yeedhaan argagixisada ee ku fara adeyga ku dhaqanka Diinta Islaamka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com