|

Maraykanka oo Markii u horreysay Shaaciyey inay Ciidammada Puntland Marin-habaabiyeen Markii ay Duqaynta Ku Fuliyeen Ciidamada Gal-Mudug

Washington 13.November 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Maraykanka, ayaa markii ugu horreysay qiratay weji-gabax ay kala kulantay weerar ay Ciidammada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland marin-habaabiyeen oo ay ku qaadeen Xero ay degganaayeen Ciimmo ka tirsan Maamul-goboleedka Galmudug, kuwaasoo ay Ciidanka Puntland ugu sheegeen inay yihiin Al-Shabaab bishii Sagaalaad ee sannadkan aynu ku jirno, isla markaana sababay dhimasho toban Askari ah, Shacab intaas ku dhaw iyo labaatan dad ka badan oo ku dhaawacmay.

maraykanka-oo-qirtay-in-ciidammada-puntland-marin-habaabiyeen-2016Weerar Duqayn ahaa oo ay Diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen Bariga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo hore loo sheegay in Al-shabaab lala beegsaday, isla markaana ay ku dhinteen 10 Askeri oo ka tirsanaa Ciidammada taabacsan dowladda, sida lagu sheegay War ka soo baxay Mareykanka.

 

Warkan ka soo baxay dawladda Maraykanka oo lagu baahiyay Warbaahinta dalkaas iyo kuwa kale ee caalamiga ah qaarkood shalay, ayaa lagu soo xigtay baadhitaan aan wali la daabicin oo ay sameysay Waaxda Gaashaandhigga ee Mareykanka ee loo yaqaanno Pentagon.

 

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas oo bishii September ay geysteen Diyaaradohoodu iyagoo difaacayay Ciidammo ka tirsan Puntland oo sheegay inay weerar la kulmeen xilli ay wadeen hawlgal ka dhan ah Al-shabaab.

 

Duqeyntaasi waxa ay dhalisay dibedbaxyo ka dhan ah Mareykanka oo dadka deegaanku ay sameeyeen. Ciidammada dawladda Soomaaliya waxay sheegeen in dadka dhintay ay ahaayeen Shacab iyo Ciidammada Galmudug Askar ka tirsanaa.

Mareykanka waxa uu dawladda Soomaaliya ka taageeraa dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo xidhiidh la leh Shabakadda Al-Qaacida.

Maamulka Galmudug, ayaa hore u sheegay in 22 ka tirsanaa Ciidammadooda lagu dilay duqeyntaas, waxaanay ku eedaysay Puntland oo xidhiidhkoodu aanu fiicneyn inay macluumaad khaldan siisay Maraykanka.

Puntland iyo Galmadug, oo ah Maamul-goboleedyo hoos-taga dawladda Federaalka Soomaaliya, ayuu dagaal u dhexeeyay muddo, kaas oo ka dhashay muran dhanka deegaanka ah, waxaana duqayntaa ka dib dhex-maray dagaallo kulul oo ay Gaalkacyo ku wada galeen Ciidammada labada Maamul oo la xidhiidhay duqayntaas, isla markaana sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac baahsan.

Dawladda Mareykanka, ayaa beenisay in weerarkaasi dad rayid ah lagu dilay. “Haddii aan ogaan lahayn in Ciidammadaasi ay Galmudug yihiin, waxaan sameyn lahayn wax kasta oo aan uga baaqsan kari lahayn duqeyntaasi.” Sidaa ayuu yidhi Sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan Waaxda Gaashaandhigga ee Maraykanka oo u warramay Wargeyska The Washington Post.

Comments are closed