|

Maraykanka Oo Ka Markhaati Kacay Awoodda Soo Kordhaysa Ee Kooxda Al-shabaab

New York:Jully,03,2015(SDN/QJ)-Maraykanka ayaa ka markhaati kacay awoodda soo kordhaysa ee Ururka Al-shabaab, waxana uu qiray inay wali leeyihiin awood ay dhibaatooyin badan ku geysan karaan.

rodorTaliyaha Ciidamada Maraykanka  ee Qaaradda Afrika General David Rodriguez oo arrintan ka Hadlay, ayaa warbaahinta u sheegay in Kooxda Al-shabaab tahay koox aan la dhayalsan Karin.

Taliyaha, ayaa ku waramaaya Shabaabku inay maalmihii ugu dambeysay gaysteen weeraro uu dhiig ku daatay, wuxuuna soo hadalqaaday weerarkii ka dhacay Deegaanka Leego, ee askarta badan looga dilay Amisom.

Taliyaha, ayaa aaminsan inaanan weli si rasmi ah loo wiiqin awoodda Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay yihiin kuwo weli halistooda leh.

Waxa kaloo uu sheegay Shabaabku inay weeraro joogto ah ka gaystaan dalalka Somaliya iyo Kenya, gaar ahaan meelaha ay u arkaan inay weerarada ka fulin karaan.

General David Rodriguez, ayaa xusay in sanadihii ugu dambeeyay Shabaabka looga gacan-sareeyay dagaalka dalka Somaliya, iyadoo laga qabsaday buu sheegay dhul ay muddo ka arriminayeen. Wuxuuna ammaanay doorka Amisom ee ku aadan dagaalka Al Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay Amisom inay wado dadaalo lagu wiiqaayo awoodda Al Shabaab, si meesha looga saaro weerarada ay gaysanayaan.

Hadalkan, ayuu Taliyuhu ka sheegay Barnaamijka Live At State, mar ay su’aalo ku weydiinayen Wariye-yaal ka tirsan Qaaradda Afrika, waxayna inta badan su’aalahaasi ku qotomayn geyiga Afrika.

Weerarada ay bishan Ramadaan gaysanayaan Ururka Al Shabaab, ayaa waxay u muuqdaan kuwo dareen ku keenay Dowladda Federalka Somaliya iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed