Maraykanka oo Ka Hadlay Dilka Saado Cali Warsame
Washington:July,24,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Maraykanka ayaa si adag u cambaaraysay Dilkii marxuumad Saaddo Cali Warsame Muqdisho loogu geystay.
War-saxaafadeed Xalay laga soo saaray xafiiska Saraafada Maraykanka ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in dilkaasi tusaale u yahay Halista ka jirta Somalia, iyadoo si gaar ah loogu sheegay in kooxaha Al-shabaab ay iyagu naxariis darradaas wadaan.
Warsaxaafadeedkan Dilka Marxuumadda lagu cambaareeyey ayaa u dhignaa sidatan:
“Dilkani wuxuu tusayaa dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayso Ummadda Soomaaliyeed oo dhan, iyo xurmo darada ay u haayaan nabadda, caddaalada iyo naxariista ay dhamaan Soomaalidu meel walba ay joogaan ay xusayaan bisha barakaysan ee Ramadaan.
“Saado waxay ahayd fanaanad caan ah iyo weliba Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale Saado waxay tusaale fiican u ahayd hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Dilkani waa mid aad u saamaynaya dhamaan Soomaalida ku nool wadanka gudihiisa iyo dibadaba.” Ayaa lagu xusay War-saxaafadeedka ka soo baxay Dowlada mareekanka .
Waxa xusida mudan in marka laga Yimaaddo Somalinimada ay marxuumad Saado Cali warsame ahayd Muwaadinad Maraykan ah, isla-markaana Labaatankii sano ee ugu dambeeyey Cimrigeeda ay ku qaadatay Dalka maraykanka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com