|

Maraykanka oo Golaha Amaanka Qaramada Midoobay u Gudbiyey Qabyo Qoraal ku wajahan Sidii Cuno qabatayn loogu soo Rogi lahaa Kuuriyada Waqooyi

New York 10. September 2017 (SDN/QJ):- Qaramada Midoobay in cod loo qaado qabyo qoraal uu Maraykanku soo gudbiyey oo ku saabsan sidii cunaqabateyn loo saari lahaa dalka Kuuriyada Woqooyi.

Codsigan ayaa ku baaqaya in dalka Kuuriyada Waqooyi laga joojiyo saliidda, gaaska dabiiciga ah iyo waxyaabaha kale oo batroolka la xidhiidha ee dalkaas laga iibiyo.

 

Kuuriyada Woqooyi ayaa dhammaan saliidda iyo gaaska uu isticmaasho ka soo iibsadadalka Shiinaha, la’aantoodna dhaqaalaha dalkaasi u u u waxyeeloobayao, sida ay khubaradu sheegeen.

 

Qaraarka qabyo-qoraalka ah waxaa sidoo kale ku jira in la joojiyo dharka uu dalkaasi dibadda u dhoofiyo, halkaas oo dakhli gaadhaya boqolaal milyan oo dollar uu ka helo.

 

Qabyo-qoraalkan ayaa sidoo kale dalkaasi ku adkeynaya awoodda uu u leeyahay inuu muwaadiniintiisa shaqaalaha ah dalka dibaddiisa ugu diro, si lacagaha ay soo shaqeystaan ay dalka dib ugu soo celiyaan.

Comments are closed