Maraykanka oo Doonaya In Waqooyiga Kuuriya Laga Qaado Talaabooyin aanay Abidkood ka soo Waaqsan!!
New York 07. September 2017 (SDN/QJ):- Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa ka hadashay shirkii New York ee lagaga arrinsanayey xiisada cusub ee ka soo kordhay gacanka kuuriya, waxa aanay carrabka ku adkaysay in waqooyiga Kuuriya aan loogu dulqaadan ficiladan ay ku kacayaan.
Waxa ay sheegay inay naafoobeen dhammaan taalaabooyinkii dublamaasiyadeed, wakhtigu uu yahay mid habsaan ah, loona baahan yahay ficil ku habboon waxa dhacay.
Haley waxa ay intaasi raacisay in hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya marka la eego ficiladiisa uu inaga baryaayo dagaal, hasayeeshee dagaal aanu Maraykanku doonayn.
Maraykanka ayaa hogaamin doona qaraar qabyo-qoraal ah oo golaha amaanku u codeyn doono Todobaadka soo socda.
Madaxweynaha Koonfurta kuuriya ayaa khadka tilifoonka kula xidhiidhay dhigiisa Maraykanka Trump waxa aanay ka wadahadleen tijaabada cusub ee waqooyiga kuuriya samaysay, waxaan la isku raacay in la kordhiyo difaacyada gantaalaha ee ku rakiban koonfurta kuuriya.
Warark qaarkood ayaa sheegay inay waqooyiga Kuuriya isu-diyaarinayso inay tijaabiso gantaal kale oo ah nooca xambaara hubka Nukliyeerka.
Bombkii ay tijaabisay dhawaanta waqooyiga kuuriya ayaa lagu qiyaasay inuu culayskiisu ahaa 50 Kiilootan ilaa 120 Kiilootan. 50 Kiilootan wuxuu saddex jeer ka weyn yahay nukliyeerkii lagu riday Japan gaar ahaan Horishima sannadkii 1945, wakhtigii dagaalkii labaad ee adduunka. safiirka Ingiriiska u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu xalku ku jiro wadahadal toos loola yeesho madaxda waqooyiga Kuuriya.