|

Maraykanka oo Cadeeyay in Baqdinta Alshabaab ku soo Korodhay,Iyo Fariin Hanjabaad leh oo Shabaabku u direen DAAWO

Washington 23.Feb 2015 (SDN/QJ)- Xoghayaha amniga Maraykanka, Jeh Johnson ayaa sheegay in Maraykanku uu si dhab ah u qaadanayo hanjabaad ka soo baxday al-Shabab oo ku baaqday in la weeraro suuqyada ku yaalla waddamada Galbeedka.​

jdJeh Johnson ayaa hadalkan sheegay mar uu ka jawaabayay video muuqaal ah oo al-Shabab ay soo saartay, kaasoo ku baaqaya in weeraro lagu qaado suuqyo ku yaalla Galbeedka.

Johnson ayaa sheegay in hanjabaada argagixisada caalamku ay isu baddashay una xuubsiibatay kooxo mintidiin ah oo si fagaare ah dad madax bannaan ugu baaqa inay weeraro ka fuliyaan waddamada ay joogaan.

Ururka al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weeraro ka dhacay suuqa Westgate ee magaalada Nairobi bishii September 2013, kaasi oo ay ku dhinteen 67 qof.

Washington SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed