|

Maraykanka oo amaanka ka taageeraya dawlada Soomaaliya

Washington May 10,2013 (SDN)-War kooban oo ka soo baxay waaxda arrimaha dibbadda dawlada Maraykanka ayaa  lagu sheegay in dawlada Maraykanka ay dawlada Soomaaliya ka gacan siinayso sugida amaanka wadanka iyo ka hor tagista weeraro kaga yimaada dawlada dhanka Al-Shabab.

Warkaan oo ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyada kasoo baxa dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay dawlada Soomaaliya kala shaqeynayso soo celinta amaanka, la dagaalanka Al-Shabab, iyo dhawrsista xaaquuqda aadanaha.

Maraykanku waxaa uu warkiisa ku xusay inuu gacan ka geysanayo in Soomaaliya uu noqdo dal amaan ah oo dadkiisa ay helaan nolol aan wax cabsi ah laheyn.

“Waxa aan ka fakarayno waa taageerada dhanka amaanka ee ay nooga baahan tahay dawlada Soomaaliya gacana waxaan ka siinaynaa xoojinta amaanka si aysan argagixisadu dalka u qabsan” ayaa lagu yiri warkaasi kasoo baxay waaxda arrimaha diibadda Maraykanka.

Maraykanku waxaa uu guul ku tilmaamay hawlgalada ay ciidamada dawlada iyo  kuwa AMISOM ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Wadamada beesha caalamka ayuu ugu baaqay inay Soomaaliya taageeraan maadaana uu hadda dalka kasoo kabanayo dhibaatooyinkii mudada dheer ka jiray.

Maraykanka waxaa uu ka mid yahay wadamada ugu fir fircoon ee taageersan dawlada Soomaaliya marka loo eego dhinacyada siyaasadda iyo amaanka.

Comments are closed