|

Maraykanka Oo Albaababa U Laabaya Safaaraddii Uu Ku Lahaa Magaalada Sanca

Sanca:Feb,11,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Maraykanka, ayaa albaabada u laabayso Safaaradooda ay ku leeyihiin Magaalada Sanca ee Dalka Yemen oo ay taladiisa xoog kula wareegeen Kooxda Xutiyiintu.

beesiMaraykanka ayaa waxa ay ku amartay safiirkeeda in uu ka soo Amba baxo Dalkaas, waxana Sababta la sheegay inay la Xidhiidho Arrimo ammaan.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee Reuters Maraykanka ayaa weydiisan doona wadanka Turkiga ama Algeria in uu ilaaliyo danaha uu ku leeyahay dalka Yemen inta ay safaaradiisu xidhan tahay.

Yemen ayaa waxaa saameyn weyn ku yeelatay la wareegidii xukunka Jimcihii aynu ka soo gudubnay kula wareegeen dagaalyahanada Xuutiyiinta iyadoo eedeymo badan arrintan ay beesha caalamka ka keentay.

Kooxda talada Dalka Yemen  oo ay taageerto xukuumada Iran ayaa waxaa ay daafaceen la wareegida xukunka dalka Yemen iyagoo ku tilmaamay in uu yahay kacaan dib loogu soo celinayo caddaalada dalka Yemen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed