Maraykanka oo 4-milyan oo Mag-dhaw ah siiyey Wiil Arday ah xabsi lagu ilaaway
San diego:1-August-2013 (SDN)Xukuumadda Dalka Maraykanka ayaa magdhaw gaaDHaya 4 milyan oo dollar siisey Wiil Arday ah oo si khaldan loo xidhay, kadibna lagu illaaway xabsiga muddo 5 maalmood ah isagoo aan heysan wax cunto iyo biyo ah.
Wiilkan oo lagu magacaabo Daniel Chong ayey ciidamada la dagaalama Maan-dooriyuhu kusoo xidheen hawlgal ay ka sameeyeen magaalada San Diego, bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay 2012.
Wiilkan oo 25 sano jir ah ayaa kamid ahaa dad ku sugnaa guri lagu tuhmay in daroogo lagu iibiyo, waxayna ciidamadu ku xidheen xabsi hal qol ah oo yar, kadib markii la ogaaday inaanu wax danbi ah gelin, markaas oo qorshuhu ahaa in lasii daayo.
Askartii ay Ahayd inay sii daayaan, ayaa ku illaaway wiilkan qolkii xabsiga ee uu ku xidhnaa, isagoo weliba aan heysan wax cunto iyo biyo ah, isagoo halkaas ku jirey muddo muddo 5 maalmood ah, wuxuuna ku khasbanaaday inuu kaadidiisa cabo.
Markii laga soo saaray qolkii uu ku xidhnaa, ayaa waxaa la dhigay wiilkan isbitaalka, isagoo maalmo ku jiray koomo, kadib markii ay Kilyihiisu si fiican u shaqeyn waayeen.
Qareenada u doodaya wiilkan ayaa maxkamad la tiigsaday dowlada Maraykanka oo hadda sheegtay inay bixin doonto magdhaw dhan 4 milyan oo dollarka Maraykanka ah.
Somalidiasporanews.com.