Maraykanka Oo 33-Bilyan Oo Dollar Ugu Deeqay Qaaradda Afrika
Washington:Aug,06,2014(SDN/QJ)-Shirka Madaxda Afrika iyo Maraykanka u socda oo gebogebo ku dhaw ayaa lagaga dhawaaqay lacago tiro badan oo la siin doono Qaaradda Afrika.
Madaxweynaha maraykanka ayaa shirkaas kaga dhawaaqay inuu bixin doono lacag dhan 33-bilyan oo dollar, taas oo lagu bixin doono Arrimaha muhiimka u ah baahiyaha qaaradda Madow.
Hadal uu ka jeediyay shirka Afrika iyo Mareykanka, ayuu sheegay Mr Obama inay dhaqaalahaasi qeyb ka mid ah ku bixin doonaan dhanka awoodda korontada oo ay helaan xaafadaha iyo ganacsiyada Afrika.
Wuxuuna qiray in Mareykanka uu caawinayo Afrika, wuxuuna tilmaamay inay sigaar ah u caawin doonaan haweenka iyo ganacsiyada yaryar si alaabtooda ay suuq ugu helaan.
Mr Obama ayaa xaqiijiyay inuu doonayay inuu tirtiro dhibaatooyiinka ka dhexeeya Afrika iyo Mareykanka si loo ogolaado in xidhiidh badan uu labada dhinac dhexmaro, ayna wada yeeshaan xidhiidh ganacsi oo kala iibsi badan ku saabsan.
Shirka ka socdo dalka Mareykanka ee ay ka qeybgalayaan madaxda Afrika ayaa diiradda lagu saarayaa, ganacsiga, maalgashiga iyo amniga. Shiinaha ayaa Afrika kula loolamaya dalka Mareykanka, waana midda keentay inuu marayakanku dejiyo siyaasad uu ku kasbanayo quluubta dadka madow.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com