|

Maraykanka iyo Midowga Afrika oo Canbaareeyay Dilka Xildhibaan Maxamed Maxamud Xayd

Muqdisho 03.July 2014 (SDN/QJ)- Guddiga midowga Afrika u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya ayaa cambaareeyey dilkii Alle ha u naxariistee, xildhibaan Maxamed

AMISOM3-300x168Maxamuud Xeyd oo maanta lugu dilay magaalada Muqdisho.

Kusimaha wakiilka  guddiga,  Lydia Wanyoto Mutende ayaa sheegtay in la joogo xilli ay Soomaalidu dadaal ugu jirto nabad iyo horumar laga taabbo-galiyo Soomaaliya.

Wanyoto ayaa tilmaantay inay ka xuntahay dilka xildhibaan Xeyd, waxayna ka tacsiyeysey geeridiisa.

Rag ku hubaysnaa  bastoolado ayaa marxuumka ku toogtay maanta agagaarka isgoyska Afar-irdood ee degmada Xamarweyne ee  gobolka Banaadir.

Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay dil saakay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo ka mid ahaa mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa tacsi u diray qoyska xildhibaanka la dilay.

War-qoraal ah oo ka soo baxay qeybta Soomaalida ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay inuu weerarku tusaale u yahay dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed iyo xurmo-darrada ay u muujineyso nabadda, caddaaladda iyo naxariista xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka.

Dowladda Mareykanka ayaa caddeysay inay garab-taagan tahay dadka iyo ciidamada qaranka Soomaaliya iyo sidoo kale howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyadoo qoraalka lagu xusay inuu Mareykanka si dhow ula shaqeyn doono hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo taliyeyaasha amniga ee Soomaaliya si loo sii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xildhibaan Xeyd ayaa saakay lagu dilay degmada Xamarweyne ee Muqdisho xilli uu ku sii jeeday xarunta baarlamaanka oo uu kulan uga socday xildhibaannada.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed