Maraykanka iyo Huteel Noocyada Cuntada Qaaliga Ah Sameeya oo Bilaash Ka Dhigay,Maxay Sababtu Tahay?
Colarado 01. August 2017 (SDN/QJ):- Dalka Maraykanka gobolka Colarado waxaa laga furay bishii October 20-keedii sannadkii 2006-dii hudheel lagu magacaabo “So all may eat” qof kasta waxbuu ka cuni karaa .
Hoteelkan ayaa la sheegay in aanu ahayn mid macaash laga rabo laakiin doonayo in bulshada loogu adeego.
Hodheelkan waxaa magaciisa loo soo gaabiyaa Same Café waxaana lagu maalgeliyay $30, 000 dollar, lacagataasi waxaa bixiyay labadan qof ee Brad iyo Libby Birky, iyagoo sheegay inay doonayaan inay muujiyaan siday ugu heelan yihiin danta guud.
Hodheelkan oo raashinkiisu yahay mid ka nafaqo iyo tayo sareeya hodheelada kale ee qaaliga ah, haddana qofka kastoo yimaadda lagama qaado wax lacag ah waana bilaash gebi ahaan wixii aad halkan ka cunto iyadoo weliba nooc kastoo cunto ah laga helayo.
Hodheelkan magaciisa loo soo gaabiyay Same Café qof kasta wixii uu doono ayuu cuni isagoon lacag bixin, laakiin hodheelkan waxaa shardi ay ka dhigeen oo keliya in qof kastoo wax ka cunaa uu hal saac ka sheqeeyo hodheelkan.
Si uu isugu-na u dareemo samafalka noociisa, maadaama uu dhergay oo aanay hayn wax haba yaraatee gaajo ah. Hodheelkan oo aad u camiran waxa xataa yimaadda dad aan waxba ka cunin oo u sheega inay doonayaan inay saacad ama laba saacadood hoteelkan bilaash kaga shaqeeyaan.