Maraykanka: Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Oo Sheegay Inaanu Trump Sharciga Ka Sareynin
Neil Gorsuch 24.March 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha cusub ee Madaxweynaha Maraykanku u Magacaabay Maxkamadda Sare ee Dalkaasi Neil Gorsuch, ayaa sheegay in dadka oo dhan oo Madaxweynuhu ku jiraa aanay ka sareyn sharciga dalkaasi.
Neil Gorsuch ayaa sidoo kale sheegay in aanu jirin Qof uu u sameynayo ballanqaad ku saabsan qaabka uu wax u xukumi doono.
Hadalkaas ayuu u sheegay aqalka sare ee Maraykanka, xilli uu jeedinayay khudbo uu kaga hadlayay waxa uu qaban doono Shalay.
Wuxuu sheegay “in uu is casili doono” haddii madaxweyne Trump uu weydiisto inuu beddelo arrinta muranka uu ka taagan yahay ee ah sharcigaa ogolaanaya in dumarka uurka leh ay ilmaha iska soo ridaan.
Mr Gorsuch ayaa sidoo kale “niyad jab” ku tilmaamay weerarka Trump uu ku hayo garsoorayaasha federaalka.
Bishii February, Trump wuxuu “garsoore isku sheeg” ku tilmaamay xaakin hor istaagay xayiraaddii uu saaray toddobo dal oo Muslimiin ah.
Gorsuch ayaa si gaar ah Senate-ka ugu sheegay in qalad ay ku tahay haddii weerar “argagixiso” uu ka dhaco Mareykanka.
Wuxuu sidoo kale u sheegay Congress-ka in weerarada madaxweyne Trump ay yihiin “niyad jebin”, wuxuuna ereygaasi u isticmaalay si ku celcelis ah oo joogto ah.
“Marka qof uu cambaareeyo daacadnimada ama sharafta, ama niyada garsooreyaasha, taasi waxaan u arkayaa niyad jebin. Taasi waxaa u arkaa mid quus ah, sababta oo ah waan garanayaa runta,” ayuu yidhi.
Waxaa la weydiiyay in dadka eedeeya garsoorayaasha ee uu ka hadlay inuu ka mid yahay madaxweynaha. Wuxuu ku jawaabay “dadka waa isku mid”.
Afhayeenka Aqalka Cad ayaa ka dib bartiisa Twitter-ka ku qoray in Mr Gorsuch uu “u hadlay si waadax ah” sidoo kalena aanu soo qaadin magac.
Iyadoo dimuquraadiga ay ku cadaadinayaan inuu ka hadlo arrimaha doodda dhaliyay, wuxuu sheegay in ay qalad tahay in laga hadlo sida uu go’aan uga gaadhayo kiis kasta oo loo gudbiyo maxkamadda sare.
Taasi waxay noqoneysaa “bilowga meeshii ay ku dhammaan lahayd” madaxbannaanida guddiga cadaaladda, ayuu yidhi.
Mr Gorsuch, wuxuu buuxinayaa booska xaakinka maxkamadda sare ka dib markii uu dhintay garsoorihii hore Antonin Scalia, 13 bilood ka hor.
Welina wuxuu sugayaa in Congress-ka ay aqbalaan si uu u qabto shaqada maxkamadda sare.